288 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska James Cleverly oo ka hadlay weerarkii Muqdisho Shabaab dadka ku laayeen

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska James Cleverly oo ka hadlay weerarkii Muqdisho Shabaab dadka ku laayeen
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska James Cleverly, oo ka hadlay weerarkii Muqdisho ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu si kulul ugu cambaareeyay qaraxyaddii ka dhacay Soobe.

Quote Message: Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee argagaxa lahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan la murugoonayaa qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay loona dhaawacay. Waxaan sii wadi doonaa garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada. UK waxay cambaaraynaysaa argagixisada nooc kasta oo ay tahay.

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee argagaxa lahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan la murugoonayaa qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay loona dhaawacay. Waxaan sii wadi doonaa garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada. UK waxay cambaaraynaysaa argagixisada nooc kasta oo ay tahay.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhalleeceeyay qaraxyadii ka Soobe maalintii Sabtida ahayd waxayna qoraal ay soo saareen ku tilmaameen ee “mid naxdin oo fool xun lalana beegsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya”

  • Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ” tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, oo ay ku jiraan shaqaalaha Qaramada Midoobay”,sida uu afhayeenkiisa, Stephane Dujarric, abayaan ku sheegay.
  • Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in uu garab istaagi doono dhammaan dadka Soomaaliyeed . “Weeraradani waxay hoosta ka xarriiqayaan degdegga iyo muhiimadda ay u leeyihiin weerarrada milateri ee socda si loo sii xaalufiyo Al-Shabaab,”
  • Pope Francis ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarka dhiiga badan ku daatay. “Aan u duceyno dadkii ku dhintay weerarkii Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 100-qof, kuwaasoo ay ku jireen caruur badan,” ayuu yiri,
  • Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dawladda ka caawiso daweynta dadka dhaawaca ah iyo sidii ay u heli lahayd daryeelka dhaawacyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post