243 Views

Wasiirada HirShabeelle oo ansixiyey miisaaniyadda 2023-ka, kana hadlay dagaalka Khawaarijta

Wasiirada HirShabeelle oo ansixiyey miisaaniyadda 2023-ka, kana hadlay dagaalka Khawaarijta
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 19, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay shirka golaha wasiiradiisa, waxaana ugu horeyn lagu dhaariyay xubno kamid ah golaha wasiirarda, iyadoo kulankaan looga hadlay howlgallada khawaarijta looga xoreynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa golaha uga waramay howgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo socdaalkii uu kusoo maray dhamaan deegaanadii laga xoreeyay cadowga, isagoo faray wasaaradaha in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee lagu horumarinayo deegaanadaas

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixinno uga dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, Gargaarka, Diinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta iyo Haweenka,

Golaha Wasiiradda cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka dowlad goboleedka ee 2023 oo dhan 24, 957, 853.70 dollar.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay qeybaha kala duwan ee ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo guulo muhiim ah kasoo hooyay ee dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post