549 Views

DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta
____________________________________________________________________________

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan Magaalada Nairobi kula qaatay mas’uuliyiinta Safaaradda Canada ee Soomaaliya.

Xubnaha safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay xoghaya koowaad ee safaaradda ayaa warbixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gargaarka isugu jira ee ay ku taageeraan Soomaaliya.

Ergeyga oo dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Kanada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha iyaga oo intaas ka dib ka wada hadley siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.

Dhammaad

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ay Soomaaliya ku saameeysay Abaarta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post