1368 Views

Khilaaf soo gala dhex galay Madaxda dowlad degaanka iyo mas’uuliyiin la xiray

Khilaaf soo gala dhex galay Madaxda dowlad degaanka iyo mas’uuliyiin la xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2019–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga talladda dowlad degaanka haya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda Itoobiya.

Khilaafkaan ayaa ka dhashay qaabka lagu waddo in loo qabto kulanka guud ee xisbiga iyo dadka lagu waddo in ay kasoo qeyb galaan, islamarkaana isbedel lagu sameeyo hanaanka xisbigga, Maadaama uu wali ku dhisan yahay habkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Qaar ka mid ah Waxgaradka dowlad degaanka ayaa ku howlan xalinta Khilaaf, maadaama maamulku uu yahay mid dhawaan uu ku dhacay Isbedel guud uuna xiran yahay Madaxweynihii dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale Cabdulahi Itoobiya oo horay u ahaan jiray Madaxweyne Kuxigeen ayaa Jigjiga lagu xiray, waxaa loo heystaa in uu ka qeyb ka ahaa falal ka baxsan Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay dowlad degaanka intii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment