1218 Views

Muwaadiniinta Mareykanka Oo Looga Digay Inay U Socdaalaan Somalia Iyo Waddamo Kale

Muwaadiniinta Mareykanka Oo Looga Digay Inay U Socdaalaan Somalia Iyo Waddamo Kale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–War-saxaafadeed ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay  waxaa lagu soo bandhigtay Liiska 35 Waddan oo la sheegay inay Dadka Maraykanka kala kulmi karaan afduub iyo in loo qabsado madax-furasaho. Qoraalka ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay shalay oo taariikhdu ahayd  bisha April 9-dii ee sannadka 2019-ka waxaa lagu soo bandhigay Tilmaamo cusub oo  dhinaca Socdaalka, oo ku aadan inay dadka Maraykanka la kulmi karaan khataro ay ka mid yihiin Afduub iyo inay  La-haystayaal u noqdaan Dembiilayaasha iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

 

Liiska 35-ka Waddan ee Muwaadiniinta Maraykanka looga digay inay kala kulmi karaan falal dembiyeedyo ayaa kala ah:  Somalia, Ethiopia, Kenya, Sudan, Turkey, Afghanistan, Yemen, Algeria, Angola, Bangladesh, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Colombia, Democratic Republic of the Congo, Haiti, Iran, Iraq, Lebanon, Syria, Libya, Malaysia, Mali, Mexico, Niger, Nigeria, Pakistan, Papua New Guinea, Philippines, Russia, South Sudan, , Trinidad and Tobago, Turkey, Uganda, Ukraine (qeybta ay Raashiya ka maamusho Bariga Ukraine) iyo Venezuela

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment