813 Views

20 qof la la yahay markii roobab mahiigaan ah ay ku dhufteen magaalada bartamaha ku taala ee dalka Japan

20 qof la la yahay  markii roobab mahiigaan ah ay ku dhufteen magaalada bartamaha ku taala ee dalka Japan
____________________________________________________________________________

Sabti: July 3.  2021

Ugu yaraan 20 qof ayaa la soo wariyay in la la’yahay maanta, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ku dhufteen magaalada bartamaha ku taala ee dalka Japan ee Atami, daadadkaas oo  dhaliayey in guryo badan ay dumaan sida ay sheegtay warbaahinta dadweynaha ee  NHK.

Raiisel wasaaraha Yoshihide Suga ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo masiibadan sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisulwasaare Yoshihide.

NHK ayaa soo xigatay saraakiil sar-sare oo maxali  ah ayaa sheegaya in go’itaanka daadadku ay  qaadeen guryo ku yaal magaalada Shizuoka oo qiyaastii 100km (62 mayl) koonfur galbeed ka xigta caasimada, wadanka Jaban ee Tokyo.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujineyay biyo aad u xooggan oo gabi ahaanba jaray wadooyinka waa-weyn ee magaalada Atami, waxaana la arkaayey dad aad u argagaxsan oo magaalada ka cararaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post