2805 Views

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay & Xubno lagu ansixiyay

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay & Xubno lagu ansixiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31da Maarso, 2021—Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goordhow waxaa uu kulan uga furmay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana Kulanka Maanta uu yahay mid guux xoogan uu hareeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo kulanka furay ayaa sheegay in Kulanka ay xaadir yihiin 139 mudane, waxaana uu sheegay in kulanka looga hadlayo laba Ajande oo kala ah Cudurka Coronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa cod u qaaday labada Xubnood ee Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha, iyaga oo u ansixiyay inay guddiga ka mid noqdaan, waxaana ay kala yihiin Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.

Guddoomiye Mursal oo natiijada codeynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 mudane ay u codeysay labada Xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha , Saddex ay ka aamustay, isla markaana aysan jirin Xildhibaano diiday.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka haatan warbixin la xiriirta cudurka COVID-19 siineysa Xildhibaannada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post