1032 Views

UNHCR oo walaac ka muujisay Xaaladda Qoysas ku dhibaateysan Ismaamullada Tigeega

UNHCR oo walaac ka muujisay Xaaladda Qoysas ku dhibaateysan Ismaamullada Tigeega
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

  Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa ka walaac ka muujisay Xaaladda Qoysas ku dhibaateysan Ismaamullada Tigreega, Amxaarada & Canfarta sida lagu muujiyay war kasoo baxay hay’addaan.

7-Milyan oo ruux ayay Hay’adda UNHCR sheegtay in ay saameeyeen Colaadda ka taagan Dalka Itoobiya oo bilaabatay November 2020 kaddib markii Maamulka Abiy Ahmed uu xal Militari ku raadiyay khilaaf ka dhashay dib u dhaca Doorashada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kaalmo degdeg ah haddii aysan helin qoysaskaan in xaalad halis ah ay lasoo dersi karto, in ka badan 5-Milyan oo ruux oo kamid ah dadkaan waxa ay degen yihiin Ismaamulka Tigray.

Dad ay ku qiyaastay UNHCR 400 oo kun ayaa la nool xaalado u eg macluul maadaama ay waayeen Raashin iyo Biyo ku filan sabab ka dhalatay colaadda oo meesha ka saartay kalsoonida Dadka ay heysteen.

Dowladda Federaalka Itoobiya iyo hoggaanka sare ee Tigray ayaa dhegaha ka xirtay dalabaad ka yimid Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay oo ah in ay kahor leexdaan gargaarka ay ugu talagaleen qoysaskaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post