861 Views

Shir uga socda Villa Somaliya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Rooble, Qooq Qoor, Laftgaren, Gudlawe, Finish iyo James Swan,..

Shir uga socda Villa Somaliya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Rooble, Qooq Qoor, Laftgaren, Gudlawe, Finish iyo James Swan,..
____________________________________________________________________________

February 21, 2021  

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shir goor dhawayd oo Duhurkii ah ka furay Muqdisho, una dhaxeeyo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Madaxda dowladda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana goob jog ka ah Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Shirkaan oo albaabada u xiran ayaa waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxaana la sheegay in shirkaan ay saxaafada banaanka ka joogaan oo loo diiday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shirkaan uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.

Waxaa weli dalka ka taagan, gaar ahaan caasimada muranka doorashada, midaasi oo ay si weyn iskugu hayaan madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post