1128 Views

Puntland iyo Galmudug oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Puntland iyo Galmudug oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 29, 2021 —Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo ay wehlinayaan Taliyihii hore ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay Magaalada Gaalkacyo kula shireen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa dhanka Puntland uga qeyb galay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire, Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Sanyare iyo Xubno kale.

Kulanka labada dhinac waxaa ay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee la xiriira amniha iyo dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab iyo sii wadista howlgallada ka socda degaannada gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta ka kala socda Galmudug iyo Puntland ayaa isku raacay in siwadajir ah ay labada dhinac u wada fuliyaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo degaannada Gobolka Mudug iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa.

Kulankaan Maanta dhexmaray mas’uuliyiinta ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli saacadihiia soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen in Ciidamada difaaca Puntland ay qeyb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Gobolka Mudug.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post