267 Views

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in laga heshiiyo cimilada caalamka

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in laga heshiiyo cimilada caalamka
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 19, 2022

Madaxa shirweynaha Qaramada Midoobay ee cimilada ee ka soconaya waddanka Masar ayaa dadka wada wadaxaajoodyada waxa uu ugu baaqay inay heshiis gaaraan, xilli Midowga Yurub uu ku gooddiyay inuu shirka isaga bixi doono halkii uu saxiixi lahaa heshiis xun.

Saamix Showqi ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada ay qasab ku tahay inay muujiyaan sida ay uga go’an tahay in heshiis la gaaro, xilli maalin dheeraad ah lagu daray wadahadallada.

Waxa uu sheegay in wufuuddu ay weli isku dayayaan diyaarinta qoraalka ugu dambeeya ee shirka.

Dhanka kalase, dowladaha Canada, New Zealand iyo Norway ayaa walaacooda ku biiriyay midka uu qabo ururka Midowga Yurub ee ku aaddan heerka ay marayaan wadaxaajoodyada ka socda shirweynaha cimilada Qaramada Midoobay ee dalka Masar.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay u muuqato inay jilicsan yihiin habka la doonayo in wax lagu xalliyo, sida in dhaqaalaha gaar ah loo sameeyo dalalka saboolka ah ee ay ku dhufteen musiibooyinka ay horseedday cimiladu.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post