987 Views

Farmaajo oo tacsi u diray Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal

Farmaajo oo  tacsi u diray Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hadda hayay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna, waxaanna uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post