1392 Views

Dhageyso:-Wasiiro & Xildhibaano Baaq Kasoo Saaray Dagaal Beeleedyada Hiiraan Iyo Galgaduud

Dhageyso:-Wasiiro & Xildhibaano Baaq Kasoo Saaray Dagaal Beeleedyada Hiiraan Iyo Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 02, 2019 —Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay baaq Nabadeed ugu direen Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Kulanka ka hadlay ayaa u tacsiyeeyay Ehalada dadkii ku geeriyooday dagaaladaasi, iyagoona codsaday in si deg deg ah loo joojiyo, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay tagaan goobaha lagu dagaalamay isla markaana ay ka qeyb qaataan sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ugu baaqay Culimada, Nabadoonada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada inay u istaagaan joojinta dagaaladan.

“Nabadoonada iyo samadoonada labadaas deegaan runtii idinka ayay hawshan idin taalaa idinka ayaa dadkii hogaan u ah idinka ayaa la rabaa inaad nabad ku soo dabaalisaan,  xildhibaanada labada dhibnac waxaan ka codsanayaa inay abuuraan dadaalo soo dedejinaya in colaadahaasi ay joogsadaan”.ayuu yiri Wasiir Goodax.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Wafdi Nabadeed uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u dirtay deegaanada Colaad beeleedyada ay ka dhaceen waxaana hada socda Dadaalo lagu joojinayo Dagaaladaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment