1779 Views

Sawiro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaan Dawalada Turkiga aan heshiis kula Galnay In Lasoodhamaystiro Tababarka 5000 Oo Askari ”

Sawiro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaan Dawalada Turkiga aan heshiis kula Galnay In Lasoodhamaystiro Tababarka 5000 Oo Askari ”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB.

Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.

#Xerada TurkSom.

Ra'iisul wasaare Hassan Ali Khaire oo Maanta Tababar usoo xeray ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ay soo tababartay dowladda Turkiga.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Thursday, April 18, 2019

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment