879 Views

Diiwaangelinta kuraas Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Gaalkacyo

Diiwaangelinta kuraas Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________


Sabti: March 12, 2022

Maanta oo sabti ah Guddiga maamulka doorashada Galmudug ayaa bilaabay diiwaangelinta Musharixiin ku tartameysa kuraas deegaan doorashadooda ay tahay Magaalada Gaalkaco ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga ayaa diiwaangeliyay musharixiin dhowr ah oo u taagan u tartamida kuraas saddex ah, kuwaas oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Kursiga koowaad ee HOP#038, waxaa isku diiwaangeliyay oo ku tartami doona musharixiinta kale ah Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Ambassador Dhabancad) iyo Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe),

Sidoo kale, Kursiga 2-aad ee Hop#099, waxaa isna isku diiwaangeliyay musharax Maxamed Siciid Faarax.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post