1122 Views

Ahlusuna oo aqbashay dalab uga yimid Ra’iisul Wasaare Kheyre

Ahlusuna oo aqbashay dalab uga yimid Ra’iisul Wasaare Kheyre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 01, 2019—Kadib kulamo saacado badan qaatay oo Magalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxa fulinta ee Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir ayaa waxaa la isku raacay laba qodob oo aad ugu muhiimsan Maamulka Galmudug.

Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in gogosha dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb,isla markaana ay diyaar u yihiin qaban qaabadeeda iyo diyaarinta halka lagu qabanayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay aqbaleen in dhamaan Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka howl gallaan deegaanada Galmudug si amniga ay uga qeyb qaataan loona qabto shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in sheikh Shaakir uu aqbalay codsigii dowladda Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay hay’daha Amniga dowladda Federaalka inay ka howlgallaan deegaanada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment