252 Views

Darawalka guddoomiyihii Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaamn oo ku biiray Alshabaab

Darawalka guddoomiyihii Baarlamaanka Somalia  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaamn oo ku biiray Alshabaab
____________________________________________________________________________

Arbaco: DECEMBER 21, 2022

Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaamn ayaa la xaqiijiyay inuu u goostay Alshabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaas oo  lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan, waxaana jiritaankeeda sii xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Waraysi siiyey Idaacadda VOA.

Guddoomiyihii hore ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uu ahaa shaqaale ka tirsan Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in markii hore uu ka soo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga, markii uu wasiirka ka ahaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan ee ku dhalisay inuu ku biiro kooxda Alshabaab.

Mursal  ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Alshabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen ilo xilkas ah.

Xildhibaano badan ayaa ku dooda inaan baadhitaan lagu samaysan Askartooda, balse arintani waxay daaha ka qaadaysaa in feejignaan dheeraad ah Hay’addaha Amniga looga fadhiyo inay sameeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post