1512 Views

Guddoomiye Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jordan

Guddoomiye Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jordan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 02, 2019 –Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan.

Garonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey  guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasiJordan.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo  maalmood,kaasi oo looga hadli doona arrimo ay kamid yihiin qadiyadda magaalada Barakeysan ee Qudus ee reer Falstiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment