540 Views

Yurub oo ka baqaysa musiibada Nukliyeerka ee dagaalka Ruusha iyo Ukraine

Yurub oo ka baqaysa musiibada Nukliyeerka ee dagaalka Ruusha iyo Ukraine
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Dab ayaa ka kacay xarunta tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee ku taala Dalka Ukraine, waana warshadda tamarta Nukliyeerka ugu weyn Yurub, kadib weerar duqeymo ah oo Ruushka uu geystay.

Adeegga Gurmadka Degdegga ah ee Gobolka Ukraine ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dabka, kaas oo aan saameyn ku yeelan goobihii wax-soo-saarka, balse baabi’iyay goob tababar oo shan dabaq ah oo u dhow.

Weerarka Ruushka ayaa dhaleecayn degdeg ah uga yimid hogaamiyayaasha reer galbeedka oo ku tilmaamay fal argagixiso iyo taxadir la’aan oo khatar ku ah ammaanka Yurub oo dhan.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa saacado ka hor ugu baaqay wadamada kale inay qaadaan tillaabo degdeg ah oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argagixisada nukliyeerka” ee Putin

Waxa uu ugu baaqay dadka reer Yurub inay “ka kacaan” rajada laga qabo masiibo caalami ah oo la mid ah burburkii Chernobyl ee 1986-kii, wuxuuna sheegay in Ruushku yahay waddankii ugu horreeyay taariikhda ee isku dayay oo duqeeya warshad tamarta nukliyeerka ah.

Dhinaca kale, Ruushka ayaa sii xoojinaya ololihiisa koonfurta Ukraine, halkaasoo uu ku sii dhowaanayo magaalada muhiimka ah ee Mariupol ka dib markii uu qabsaday Kherson laba maalmood ka hor.

In ka badan hal milyan oo qaxooti ah ayaa hadda ka qaxay Ukraine. Ruushka iyo Ukaine labaduba waxay ku heshiiyeen inay abuuraan “dariiqyo bini’aadantinimo” si loo daadgureeyo dadka rayidka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post