654 Views

Xilliga Kenya ay bilaabeyso khaadkii u soo dhoofin jirtay Soomaaliya oo la shaaciyay

Xilliga Kenya ay bilaabeyso khaadkii u soo dhoofin jirtay Soomaaliya oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay dhoofinta Qaadka ee loo dhoofinayo Soomaaliya, bilowdo maalinta Jimcaha ah ee todobaadkan, sida ay qorayaan warbaahinta Kenya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya, Kamau Macharia, iyo xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, ayaa isku raacay in si degdeg ah ay dib u billaabmaan heshiiska adeegga hawada ee labada dhinac.

Ganacsatada iyo Beeraleyda Kenya, ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u furista suuqa Soomaaliya, balse waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay dadajiso bixinta shatiyada dhoofinta,

Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib u bilaabmo.

Guddoomiyaha ururka ganacsiga ee Nyambene Miraa, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in hay’adda beeraha iyo cunnada Kenya (AFA) ay diiwaan galinayso 500 dhoofiye ah, kuwaas oo doonaya inay Jaadka u dhoofiyaan Soomaaliya.

“Waxaan haynaa in ka badan 500 oo dhoofiye ah oo soo codsaday shatiyada dhoofinta, laakiin AFA ayaa weli ku howlan . Si degdeg ah ayaan ugu baahanahay sababtoo ah ma rari karno Jaadka annaga oo aan u hogaansamin shuruucda,” ayuu yiri Mr Munjuri.

Sida xeerku dhigayo, dhoofiyayaashu waa inay diiwaan gashadaan oo ay shati ka haystaan hay’adda AFA. Dhoofinta ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay helaan ogolaanshaha dhoofinta shixnad kasta.

Qof kasta oo dhoofiya Qaadka Miirowga bilaa shati, waxa uu mutaysan doonaa xarig ilaa saddex sano ah ama ganaax dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah.

Hiiraan Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post