948 Views

Xaliimo Yarey oo ka qeybgashay kulan looga hadlayay saameynta COVID-19 ee doorashooyinka

Xaliimo Yarey oo ka qeybgashay kulan looga hadlayay saameynta COVID-19 ee doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 28 2020–Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa ka qaybgashay kulan xagga internetka ah oo u dheexeeyay Guddiyada doorashooyinka Africa hay’adda ay ku mideysanyihiin ee African Election Management Bodies (EMBs ).

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay waaxda arimaha siyaasadda ee Midawga Afrika Department of Political Affairs (DPA) of the African Union Commission (AUC), iyada oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka.

Kullanka ayaa looga hadlay saamaynta Xanuunka Safmarka ee COVID-19 iyo Doorashooyinka Afrika, iyadoo ka soo qaybgalayaasha kulanka ay wadaageen qibradooda la xariirta maaraynta doorashooyinka marka ay jiraan aafooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa kulanka ka sheegaty sida ay Soomaaliya ugu diyaar garoobayso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment