720 Views

Dowladda Talyaaniga oo shaaca ka qaaday in ciidamo ay usoo direyso xeebaha Soomaaliya

Dowladda Talyaaniga oo  shaaca ka qaaday in ciidamo ay usoo direyso xeebaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ay usoo direyso xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo ku biirya howlgalka Atlantikada ee ka horta burcad badeeda iyo galbinta maraakiibta ganacsiga ee Soomaaliya usoo safreysa.

Golaha wasiirada Talyaaniga ayaa Jimcihii ogolaaday in guutooyin ciidamo Talyaani ah loo kala diro Marinka Hurmuz iyo xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda Difaaca Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay warqad qoraal ah ay kula wadaagtay qorshaha ciidamada Talyaaniga loogu so dirayo xeeebaha Soomaaliya Madaxweynaha Italy  waxaana lala wadaagi doonaan qorshaha oo faah faahsan Barlamaanka wadankaasi.

Ciidamadaan ayaa la tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay usoo galbin lahaayeen maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee u raran ganacsatada Soomaaliya waxaana laga ilaalin doona weerar waliba kaga yimaada koox burcad badeed ah.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo wadamo Yurub ay leeyihiin kuwaasi oo u joogaa xeebaha inay kooxaha burcad badeeda ka hortagaan iyo sidoo kale tahriibinta hubka sharci darada ah iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post