1626 Views

Dowladda Somalia Oo War Kulul Kasoo Saartay Weerar Ka Dhacay Sacuudiga

Dowladda Somalia Oo War Kulul Kasoo Saartay Weerar Ka Dhacay Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14 2021–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay weerar duqeyn diyaaradeed oo kooxda Xuutiyiinta la beegsatay Garoonka diyaaradaha Magaalada Abha oo ku yaalla Koonfurta dalka Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid argagaxiso ah oo aan marnaba nabad u keenaynin Gobolka, hayeeshee uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen.

Dowladda ayaa tilmaamtay in weerarka duqeynta ee Xuutiyiinta la beegsatay Garoonka Abha uu qal-qal gelinayo amniga iyo deganaanshaha, waxaana dowladda caddeeysay in Boqortooyada ay ku garabtaagantahay dagaalkeeda ka dhanka ah argagaxisada.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan ku weeraray garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya , waxa ayna rumaysantahay in weerarkaasi argagaxiso aanu marnaba nabad u keenayn gobolka balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amniga iyo deganaanshaha. Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in Boqortooyada ay ku garabtaagantahay dagaalkeeda ka dhanka ah argagaxisada” ayuu yiri Qoraalka DFS.

Dowladda Sacuudiga waxay ku eedeysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay falka ay Kooxda Xuutiyiinta ku duqeeyeen Garoonka Magaalada Abha oo ku yaalla meel ku dhow Xuduudka Sacuudiga la wadaagaan dalka Yemen.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post