642 Views

Agaasimaha CIA-da oo sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu u muuqdo nin ay ka go’an inuu horay u sii wado dagaalka uu kula jiro Ukraine

Agaasimaha CIA-da oo  sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu u muuqdo nin ay ka go’an inuu horay u sii wado dagaalka uu kula jiro Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Agaasimaha CIA-da William Burns, ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu u muuqdo nin ay ka go’an inuu horay u sii wado dagaalka uu kula jiro Ukraine, inkastoo dib u gurasho uu ka sameeyay goobaha qaar ee uu gulufka ka waday.

Agaasime Burns waxa uu sheegay in uu u malaynayo in hogaamiyaha Ruushku uu aaminsan yahay in aanu awoodin in uu guul-darraysto, waxana uu is tusay in “duulaan labaad oo ballaaran” ay u sahlayso in uu gaaro hadafkii uu ka lahaa Ukraine.

Dhanka Britain ayaa Ukarine u yaboohday kaalma kale oo miltari oo gaareysa hal dhibic lix bilyan oo dollar.

Kaalmadaan ayaa waxay u dhigantaa ku dhawaad saddex jibaar marka la eego guud ahaan taageerada Britain ay Ukraine siisay tan iyo markii uu bilowday duulaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post