1323 Views

Dhallinyaro Kenyan Ku Biiri Lahaa Al-Shabaab Oo Maanta La Maxkamadeynayo

Dhallinyaro Kenyan Ku Biiri Lahaa Al-Shabaab Oo Maanta La Maxkamadeynayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 29, 2019 —Booliska dalkaasi ayaa sheegay inay 17 dhallinyaro Kenyan oo lagu tuhunsan yahay inay ku sii jeedeen Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab ay maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku qabteen Degmadda Sambuuru oo ku taalla Bartamaha Waqooyi ee dalkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxa Boliska ee Degaankaasi, John Kembooy oo la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen  15 nin iyo 2 haween, oo da’doodu u dhexeyso 18 jir ilaa 27-jir, kuwaasi oo la sheegay in lagu hayey dhismo u dhow Suuqa Degmadda Samburu.

Waxa uu intaasi ku daray inay 4 ka mid ah dadkaasi soo dhamasyteen Tacliinta Dugisyadda Sare iyo kuwa dhexe, halka inta kale uu sheegay inay ku dhaceen Waxbarashadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Dhallinyaradaasi Kenyaanka oo ka soo kala jeeda Deegaanadda Tana River, Kilifi, Nakuru, Baringo iyo Kisii ayaa la sheegay in maanta la soo taagi doono Maxkamad ku taalla Degmadda Kawaale ee Gobalka Xeebta ee dalkaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment