732 Views

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo meelmariyay codsi uga yimid Madaxweyne Cali Guudlaawe

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo meelmariyay codsi uga yimid Madaxweyne Cali Guudlaawe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021—-Kulan aan caadi aheyn oo uu yeeshay Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle kana qabsoomay Magaalada Jowhar ayaa waxaa hortegay Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabelle Cali Guudlawe Xuseen.

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Xassan Cusman ayaa Ajendahiihu ahaa ka jawaabida Codsiga madaxweynaha ee Muddo kordhinta dhismaha Xukuumadda.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay muhiim u tahay in Madaxweynaha lasiiyo Waqti kufilan si ay ugu sahlanaato soo dhisida xukuumad iyo Gole Wasiiro oo tayo leh.

Intii uu kulanka socday ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Xildhibaanada ka codsaday iney u beeqaamiyaan Xiliga soo Dhisida Xukuumadda si Baarlamanka uu u horkeeno Xukuumad ka jawaabeysa Baahiyaha shacabka Dowlad  Goboleedka Hirshabelle kana turjumeysa Hagaajinta Dowladnimada iyo Hufnaanta Maamulka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Ugu Dambeyn xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Codsiga Madaxweynaha waxaa ogolaatay 54 mudane majirin wax diiday ama ka aamusay.

Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa sheegay in codeynta ay ansax tahay, isla markaana Madaxweynaha laga sugayo in waqtiga loo qabtay uu kusoo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tan iyo doorashadiisii waxaa hareeyay caqabado uu kusoo Magacaabi waayay Xukuumadiisa, kuwaas oo ay ugu waweyn yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Janeraal Xuud oo dhowr jeer sabab u noqotay in uu ka baaqdo safar uu ku tegi lahaa Magaalada Beledweyne.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post