216 Views

Midowga Yurub oo ka hadlay burbur ay madaafiicda Ruushka u geysteen kaabayaasha tamarta ee Ukraine

Midowga Yurub oo ka hadlay burbur ay madaafiicda Ruushka u geysteen kaabayaasha tamarta ee Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: 19 Nofembar 2022

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee maaraynta xasaradaha ayaa sheegay in burburka kaabayaasha tamarta ee Ukraine uu gaaray heer aad u sarreeya. Hadalka Janez Lenarsič ayaa daba socda weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushka.

Waxa uu ballan qaaday in uu kordhin doono dadaallada lagu caawinayo Ukraine xilliga jiilaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky — oo doonaya difaac wanaagsan oo dhanka hawada ah — ayaa ku eedeeyay Ruushka inay burburiyeen ilaha korontada iyo kulaylka.

Malaayiin reer Ukrain ah ayaa la dhibaateysan koronto la’aan, taasoo sidoo kale carqaladeyneysa helidda biyaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post