927 Views

Waa maxay ujeedka Shirka uu MW Farmaajo isugu yeeray Madax Goboleedyada?

Waa maxay ujeedka Shirka uu MW Farmaajo isugu yeeray Madax Goboleedyada?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2da Maarso, 2021:-Madaxweynaha DFS ee muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febaraayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqad uu soo saaray waxa uu ku dalbaday in Madax Goboleedyada ay isugu yimaadaan shir lagu dhammeystirayo heshiiska Doorashooyinka Dalka.

Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay ka qaybgalka kulankaan si loo saldhigo geedi socodka Dalka gaar ahaan Doorashooyinka ay ku heshiiyeen dhinacyada kulmaya.

“Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Sidoo kale qoraalka ayaa lasii raaciyay in kulankaan uu dhammeystir u yahay heshiiska Guddiga farsamo ee Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Baydhabo si looga gudbo qodobada caqabadda ku noqday shirkii Dhuusamareeb (4).

“Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee   ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020” ayaa lasii raaciyay qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn qoraalka Madaxweyne Farmaajo ee lagu daabacay Villa Somalia ayaa lagu soo gaba-gabeeyay “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta”.

Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland ayaa dhawaan ka baaqday kulan uu 17-kii Febaraayo 2021 uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo dhinacyada saxiixay heshiiska laga gaaray Doorashooyinka, waxaana ay dalbadeen in gobosha la dhigo xerada Xalane oo ah meel ay amni ahaan isku hubaan, maadaama Musharixiinta oo isu soo bax qabanayay ay weerartay Dowladda sida hadalka loo dhigay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post