324 Views

Ciidamo milatariga Somaliland oo gudaha ugalay Xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta SOMTEL, GOLIS Iyo TELESOM, laascaanood si loo Damiyo khadka inter-netka

Ciidamo milatariga Somaliland oo  gudaha ugalay Xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta SOMTEL, GOLIS Iyo TELESOM, laascaanood si loo Damiyo khadka inter-netka
____________________________________________________________________________

Axad: JANUARY 1, 2023

Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Laascaanood  ka socda kacdoonka ay bulshada deegaanku uga soo horjeedo  maamulka Somaliland iyo ciidamada ka jooga magaalada Laascaanood,  kuwaasi oo dad kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku dilay magaalada.

Ciidamo hubaysan oo  ka tirsan milatariga Somaliland ayaa sidoo kale saaka gudaha ugalay Xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta SOMTEL, GOLIS Iyo TELESOM,  waxaa la xidhay masuuliyiin ka shaqeeya shirkadda, si ay khadka inter-netka  u jaraan oo aan loo ogaan dhibaatada ka jirta deegaanka.

Mu’adinkii Masjid Shaafici ee magalaada Laascaanood Sh axmed giigire ayaa sidoo kale goor dhowayd  ciidanka Somaliland ay ku toogteen Laascaanood.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegay in mid kamid ah ciidamada Somaliland la dilay kadib markii ay Guri weerar ku qaadeen.

Xaalada magaalada ayaa weli kacsan, Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee gobolka ayaa taageeray kacdoonka looga soo horjeedo maleeshiyaadka Somaliland, ee waqtiga dheer dhibaatada ku hayey shacabka gobolka Sool.

“Waxa maanta ka socda Magaalada Laascaanood waa wax ka foolxun wax kasta oo umadani la soo kulantay xataa tii gumaystihii ingiriiska samaynayey, maamulka somaliland waxaan cod dheer ugu sheegaynaa xasuuqa aad rabtaan inaad shacabka laascaano markale ugaysataan hadaad moodeen inay ku dhamaanayaan kuma dhamayn kartaane ogaada.

Shacabka waxaan leeyahay waxaad samay seen waa taariikh iyo halgan guul ku xigto, Maamulka somaliland Xalka kaliya ee idiin furan maanta waa inaad ka baxdaan laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool. “ Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post