948 Views

Xuska Maalinta Kansarka Adduunka 4 February oo la qabanayo

Xuska Maalinta Kansarka Adduunka 4 February oo la qabanayo
____________________________________________________________________________


khamiis: February 3, 2022

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa qabanaysa Munaasabadda Xuska Maalinta Xanuunka Kansarka ee Adduunka 4th February 2022, Wasaaradda Caafimaadka waxa ay dadaal badan ku bixinaysaa in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyada caafimaadka iyo wacyi – galinta ku aadan Xanuunka Kansarka oo ay lagama maarmaan tahay in laga hir-geliyo dhamaan magaalooyinka dalka.

Xuska Maalinta Xanuunka Kansarka ee Adduunka oo ku beegan 4th February waxay ay astaan muhiim ah u tahay xoojinta dadaalka ka dhanka ah la tacaalidda Xanuunka kansarka.

4ta February ee sanadkasta Waa maalin lagu gorfeeyo dhibaatooyinka waaweyn ee bulshada ka haysta Xanuunka kansarka iyadoo loo marayo siyaasadaha iyo qorshayaasha u degsan ka hor taga guud ahaan Cudurada halista ah ee uu ka midka yahay Xanuunka kansarka iyada oo la kaashanaayo hayadaha caawiya la tacaallidda iyo wax ka qabashada Xanuunadaas.

Hal kudhiga sanadkaan ee Xuska Maalinta Xanuunka Kansarka ee Adduunka waxa uu diiradda saarayaa “Haqabtirka adeegga caafimaadka iyo daryeelka dadka qaba xanuunka kansarka”

Wasaaradda Caafimaadku waxay muhiimad gaar ah siin doontaa qodobada kasoo baxi doona dood cilmiyeedyada la qaban doono Maalinta Xanuunka cancerka Aduunka 4th February 2022 iyo hirgalintooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post