903 Views

Musharax Daahir Geelle” Farmaajo dadka dhaliilsan Dalka kuma ahan cadaw”

Musharax Daahir Geelle” Farmaajo dadka dhaliilsan Dalka kuma ahan cadaw”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Musharax Madaxweyne ee doorashada soo socota Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle oo weli ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa munaasabad kale oo soo dhaweyn ah u sameeyey Soomaalida ku nool dalkaas,isaga oo u soo bandhigay qorshihiisa Siyaasadeed.

 

Musharax Daahir Geelle ayaa sheegay in xilligaan uusan diyaar u aheyn in uu dhaleeceeyo Madaxdii uu la soo Shaqeeyey ee dowladda Federaalka,sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,hayeeshee wixii ka qaloocdey iyo sababtii ay uga qaloocdeen uu ogyahay.

 

“Gobolada dadka jooga sida Maamul goboleedyada iyo xubnaha kale ee diidan dowladda ma ahan cadawga dalka ee waxaa laga yaaba inay beri dalkaan maamulaan oo ay wax fiican qabtaan ayuu yiri”Musharax Madaxweyne  Daahir Geelle.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment