552 Views

Bandow lagu soo rogay Darfur ka dib markii la xaday gargaarka loogu talagalay 730,000 oo qof!

Bandow lagu soo rogay Darfur ka dib markii la xaday gargaarka loogu talagalay 730,000 oo qof!
____________________________________________________________________________

Maamulka gobolka Waqooyiga Darfur ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay bandow habeenkii ah kadib markii dabley aan heybtooda la garan ay bililiqeysteen bakhaar ay leedahay hay’adda cunnada Adduunka ee WFP iyo xarumo uu u adeegi jiray howlgalkii hore ee nabad ilaalinta gobolka.

Warbixin ay soo saartay, Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 1,700 oo tan oo cunto ah oo loogu talagalay in lagu quudiyo 730,000 oo qof muddo bil ah laga dhacay bakhaarka ku yaal caasimadda El Fasher.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in rasaas xooggan ay ka dhacday agagaarka goobta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee SUNA.

“Saddexdii qof ee Suudaan ku nool mid ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo. Weerarkan oo kale waxa uu si ba’an u hor istaagayaa awooddeena aan ku gaarsiin lahayn dadka sida aadka ah ugu baahan,” ayay tiri isku-duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Khardiata Lo N’diaye.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Suudaan in ay xoojiso dadaallada lagu ilaalinayo xarumaha iyo hantida bini’aadantinimo ee Suudaan oo dhan,” ayay tiri.

Barasaabka gobolka Darfur Mini Minawi ayaa cambaareeyay “fal waxashnimo” wuxuuna sheegay in kuwa mas’uulka ka ah “ay wajihi doonaan cadaalad”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale cambaareeyay bililiqada.

“In ka badan 1,900 metric tons [1,700 tan] oo badeecooyin cunto ah oo loogu talagalay in lagu quudiyo 730,000 oo qof oo nugul ah muddo bil ah ayaa la bililiqaystay,” afhayeen u hadlay Guterres, ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay.

Guterres ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Suudaan in ay soo celiso nidaamka iyo kala dambeynta, iyo in mas’uuliyiinta Suudaan ay fududeeyaan “jawi shaqo oo nabdoon iyo marin u helidda howlaha Qaramada Midoobay ee El Fasher”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post