630 Views

Mas’uul katirsanaa guddiga doorashada Kenya oo la helay meydkiisa

Mas’uul katirsanaa guddiga doorashada Kenya oo la helay meydkiisa
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 16, 2022

Warbaahinta dalka Kenya, ayaa ku warameysa in ninkii madaxda ka ahaa xarun codbixin, oo ku taalla magaalada Nairbi, ee xarunta dalka Kenya, la helay meydkiisa maalmo kadib, markii qoyskiisa ay sheegeen in la waayey.

Meydka Daniel Mbolu, ayaa laga helay kayn ku taalla buurta Mount Kaliminjaro, oo u dhow xuduudda dalka Tanzania, sida ay sheegayaan wararka laga soo xigtay booiiska.

Meydka ayaa waxaa aqoon sadey laba gabdhood oo walaalo ah, sida uu qoray wargeyska The Daily Nation.

Wargeyska ayaa qoraalkiisa wuxuu intaa raaciyey in meydka ay heleen dad xoolo dhaqato ah, uuna lahaa nabado muuqda, oo jirdil ah.

Musyoka ayaa wuxuu ahaa sargaal qaabilsan xarun codbixin, oo dhacda bariga Embakasi ee magaalada Nairobi.

In la waayey ayaa waxaa xaqiijiyey guddiga doorashada Jimcihii lasoo dhaafay, iyagoo sheegay in la waayey xili uu shaqo kaga jiray goob codbixin, oo tirinta codadka ay ka socotay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post