1149 Views

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa oo digniin ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya.

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa oo digniin ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa digniin ay Jimcihii soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo laga cabsi qabo in xooggaga mucaaradka ay gudaha u galaan caasimadda Addis Ababa.

“Xaaladda ammaan ee Itoobiya ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu sheegay farriin la soo dhigay bogga internet-ka ee safaaradda.

Digniinta Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sagaal urur oo mucaarad ah Washington uga dhawaaqeen isbahaysi ka dhan ah xukuumadda Abiy Axmed.

Maxamuud Ugaas oo ku hadlayay magaca urur la baxay Somali State Resistance kana mid ah isbahaysiga ayaa sheegay inay Abiy xukunka uga tuuri doonaan “xoog ama wadahadal”.

Waa kuwee ragga hogaaminaya xooggaga Tigray?

Shan waxyaabood oo caan uu ku yahay gobolka Tigray

Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa maalin ka hor sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qarka u saaran tahay guul buuxda oo ka dhan TPLF, balse xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in gelitaanka Addis Ababa ay meel adag gaarsiin doonto xaaladda bani’aaddannimo ee hadda ka taagan Itoobiya.

Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa billaabantay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi.

Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyay oo qabsaday xooggaga Tigray.

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post