546 Views

Iliggii Lumumba oo lago dalxiisinayo dalka hoggaamiyihii uu ku yaallay

Iliggii Lumumba oo lago dalxiisinayo dalka hoggaamiyihii uu ku yaallay
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Iliggii hoggaamiyihii xornimada ee dadka reer Congo Patrice Lumumba ayaa markii u horraysay soo gaadhay Jamhuuriyadda Dimuqraaddigaa ee Congo, iyada oo lagu dalxiisin doono dalkiisii hooyo.

Iliggan ayaa ah inta keliya ee ka hadhay jidhka ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaas, kaas oo ay dileen 1961-kii fallaago gacan-saar la lahaa calooshood u shaqeystayaal Belgian ahaa. Lumumba ayaa markii la dilay kaddiba waxaa jidhkiisii loo adeegsaday oo lagu baabiiyey aysiidh, si aanay wax caddayn ahi uga hadhin.

Iliggan se ayaa waxaa sii qarsaday oo jeebka sii gashtay masuul sare oo Belgium u dhashay oo ka mid ahaa saraakiishii wakhtigaas.

Iliggan ayaa marka hore la geyn doonaa magaalada uu ku dhashay hoggaamiyahaas, waxaana loogu magac daray Lumumbaville oo lagu sharfay, ka dibna Kisangani, halkaas oo uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed, ka dibna Lubumbashi, oo ahayd halkii lagu dilay.

Naxashka uu ku jiro iliga ayaa ugu dambeyntii la dhigi doonaa caasimadda Kinshasa, habeenka isniina oo ku beegan maalintii xorriyadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post