921 Views

Turkiga iyo Itoobiya oo ka shiray wada-hadallada DFS & Somaliland

Turkiga iyo Itoobiya oo ka shiray wada-hadallada DFS & Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   –Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Argayga gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee  Olgan Bekar  iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya, iyaga oo ka wada hadlay arrimo kala duwan.

 

Qodobada ay ka hadleen  Hirut Zemene iyo Olgan Bekar ayaa waxaa ugu weeynaa wada-hadallada Dowladda Somalia iyo Soomaaliland iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa maadaama dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay hakad ku jireen.

 

 

 

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay horboodeysay wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxana dhowr shir lagu qabtay dalkaas oo ay kua wada hadleen Wakiilo ka socday Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland in kastoo wax natiijo ah kasoo bixin.

 

Wada-hadalladda Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland  ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii,waxaana dad badan ay dowladda hadda jirta ku eedeeyeen inay ka gaabisay wada-hadalladaas wallow Guddi ay u magacaawday.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment