684 Views

James Swan oo Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in ay qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Aqalka Sare.

James Swan oo Dowlad Goboleedyada ugu baaqay  in ay qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Aqalka Sare.
____________________________________________________________________________

khamiis: September 30, 2021

Xili maalin ka hor uu Raisal wasaaraha Soomaaliya uu ugu baaqay Madaxweynayaasha maamul Goboleedayada ku harsan Xubnaha Aqalka Sare in ay deg deg u soo dhameestiraan, ayaa waxaa sidaas baaq kale u diray maamul Goboleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

James Swan Dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay si degdeg ah u soo dhameystiraan, una qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Golaha Aqalka Sare.

Wakiilka oo shalay Warbaahinta kula hadlayay Xerada Afisyooni, intii ay ka socotay Doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la guda galo wejiga 2aad ee Doorashooyinka Qaranka.

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ee aan weli soo dhameystirin Doorashada Aqalka Sare inay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhameystiraan,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay Swan in loo bahan yahay in la bilaabo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si loo Helo Dowlad badasha Dowlada haatan jirta sida uu sheegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post