1584 Views

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Boosaaso & Cabsi Soo wajahday Shacabka Magaalada

____________________________________________________________________________

Arbaco: December 1, 2021

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, taas oo u dhexeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo saraakiisha ciidamada PSF-ta

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaq horleh xalay iyo saaka laga dareemay magaalada, taas oo ay wadaan ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qoysaska qaar ay ka barakaceen guryahooda, kadib markii sii korortay cabsida laga qabo in dagaal uu ka qarxuo halkaasi.

Xaaladda ayaa kasii dartay markii Deni uu ciidamo horleh ku daabulay gudaha Boosaaso, halka dhankooda ay dhuufeyso magaalada ka dhexe sameysteen ciidamada PSF-ta.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya baaqyada loo dirayo labada dhinac, waxaana ismidada Puntland oo shir ka yeeshay xaalka Boosaaso ay ku baaqeen in la wada-hadlo.

Xiisaddan ayaa hal todobaad jirsatay, waxaana ay ka dhalatay, markii uu Saciid Deni xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda PSF isla-markaana u magacaabay agaasime cusub.

PSF-ta ayaa waxaa tababara Mareykanka, isla-markaana siiya mushaaraadkooda iyo qalabkooda, waana ciidamo gaar ah oo loogu talagalay la dirirka Al-Shabaab & Daacish.

Arrimahan soo kordhay iyo xaaladda qasan ee Puntland ayaa ku soo aadeyso, xilli dalka uu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorashooyin oo ay ka taagan tahay dood xoogan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post