759 Views

Warshadda Nukliyeerka ee Dalka Imaaraatka oo la howgeliyay

Warshadda Nukliyeerka ee  Dalka Imaaraatka oo la howgeliyay
____________________________________________________________________________

Apil 7/4/2021

 Imaaratka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo howlgeliyo warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Barakah ay dalkaas ka haqabtiri doonto baahida korontada.

Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraatka ayaa tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah kadib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo ku tallaabsado in uu isticmaalo korontada laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka.

Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshaha in uu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka marka la gaaro sanadka 2050.

Imaaraatka Carabta ayaa leh tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post