828 Views

Itoobiya oo bilowday inay horumariso barnaamijkeeda warbaahinta bulshada

Itoobiya oo  bilowday inay horumariso barnaamijkeeda warbaahinta bulshada
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay horumariso barnaamijkeeda warbaahinta bulshada, si ay ula tartanto Facebook, Twitter, iyo WhatsApp, in kasta oo aysan qorsheyneynin inay hor-istaagto adeegyada dunida oo dhan laga isticmaalo, sida ay Isniintii sheegtay wakaaladda amniga isgaarsiinta ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa tan iyo sannadkii hore waxaa harqiyay colaad hubaysan oo dawladda federaalka ah la gashay Jabhadda Xoreynta Tigrayga (TPLF), oo ka talisa gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaas.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa dagaal afka ah oo barbar socda colaadda hubeysan iskaga hortagay baraha bulshada.

Dawladda ayaa doonaysa in shabakadaheeda ku kooban gudaha uu “beddelo” Facebook, Twitter, Whatsapp iyo Zoom, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee Wakaaladda Amniga Shabakadda Warfaafinta (INSA )Shumete Gizaw.

Shumete ayaa ku eedeeyay Facebook in ay tirtirayso qoraallada iyo baraha dadka isticmaala kuwaas oo uu sheegay “in ay faafinayaan xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan Itoobiya”.

Kooxaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay dowladda Itoobiya xirnaansho aan la sharrixin oo lagu sameeyay adeegyada warbaahinta bulshada oo ay ku jiraan Facebook iyo WhatsApp sannadkii la soo dhaafay.

Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin xirnaanshahaas.

Af-hayeenka Facebook ee Afrika, Kezia Anim-Addo, ayaa diiday inuu ka hadlo qorshayaasha Itoobiya, mana ka jawaabin su’aal ku saabsan eedeymaha Shumete. Twitter iyo Zoom ayaa iyaguna ka gaabsay ka hadalka arrinkan.

Itoobiya oo dadkeedu gaarayo 115 milyan ayaa ilaa 6 milyan oo qof isticmaalaan Facebook sida ay sheegtay shirkadda macluumaadka Internetka ee Statista.

Laakiin bishii June, maalmo kahor doorashooyinka qaranka, Facebook ayaa sheegtay inay ka saartay shabakad ciwaanno been abuur ah gudaha Itoobiya oo lagu bartilmaameedsaday dadka jooga gudaha waddanka, kuwaas oo ay la xiriirisay shaqsiyaad xiriir la leh INSA, oo mas’uul ka ah la socodka isgaarsiinta iyo internetka.

Reuters.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post