372 Views

Howlgalka ATMIS oo dadaal ugu jiro yareeynta qaraxyada kadhaca Soomaaliya

Howlgalka ATMIS oo dadaal ugu jiro yareeynta qaraxyada kadhaca Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Howlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Africa ee loo yaqaanno ATMIS ayaa sheegay iney muhiim tahay in lahelo hanaan wax looga qaban karo loogana hortagi karo qaraxdyada kadhaca qeybo kamid ah Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada midowga Africa ee ATMIS Diomede Ndegeya ayaa kaqeybgalay shir looga hadlayay sida looga hortagi karo khatarta kadhalata waxyaabaha qarxa kaasi oo muddo saddex maalmood ah muqdisho uga socday saraakiil katirsan ATMIS,saraakiil kasocotay qaramada midoobay hay,addaha kashaqeeya miino baarista ayaa waxa uu xusay in loobaahanyahay wadashaqeeyn dhexmarta hay,addaha amaanka ATMIS iyo sidoo kale saraakiisha millatariga Somaliya si ay iskaga kaashadaan waxkaqabashada walxaha qarxa si gaar ah miinooyinka laga hago meelaha fog kuwaasi oo badi lala beegsado ciidamada midowga Africa iyo kuwa millatariga Soomaaliya.

Diomede Ndegeya oo ah Taliyaha ciidamada midowga Africa ATMIS oo kahadlayay shirka lagu soo gabagabeeyay muqdisho ayaa yiri”si loo yareeyo khatarta kadhalata waxyaabaha qarxa waxaa loo baahanyahay wadashaqeyn dhexmarta maamullada kulugta leh millatariga Somalia  iyo bulshada qeybaheeda kaladuwan si looga hortago saameeynta qaraxyada dowladdana uhesho xasilooni.

Shirkan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay sababaan qaraxyada ayaa waxaa kasoo qeybgalay hay,addaha qaramada midoobay ee kashaqeeya baarista waxyaabaha qarxa waxaana shirkan uu socday muddo saddex maalmood ah iyadoo gabagabadii shirka laga soo saaray bayaan looga hadlayay sidii sare loogu qaadi xirfadda hay,addaha ammaanka ATMIS iyo kuwa Somalia si ay awood ugu yeeshaan iney kahortagaan waxyaabaha qarxa.

Somalia waxaa kubadan qaraxyada loo adeegsado miinooyinka laga hago meelaha fog iyo sidoo kale qaraxyada loo adeegsado baabuurta lagu soo raray waxyaabaha qarxa waxaana qaraxyadaas lala beegsadaa ciidamada midowga Africa ee ATMIS iyo dowladda Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post