489 Views

Hey,adaa Mareykanka oo looga digay weerarro dhanka internetka ah

Hey,adaa Mareykanka oo looga digay weerarro dhanka internetka ah
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

Daqiiqado ka dib markii ay dhamaatay  khudbadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu jeediyay ee uu  ku shaaciyay in cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogayo Ruushka, ayaa FBI Mareykanka  waxa ay soo saartay digniino ku aaddan weerarro dhanka Internetka ah oo ka dhan ah Bangiyada, Hay’adaha Maaliyadda iyo Ganacsatada Mareykanka, kuwaasi oo laga yaabo in Ruushku uu ku bartilmaameedsado.

Sarkaal sare oo ka tirsan FBI-da ayaa ku booriyay shirkadaha Mareykanka iyo  kuwa dowladaha hoose inay xisaabta ku darsadaan suurtagalnimada weerarro dhanka internetka ah oo ay suuragaltahay in ay geeystaan Seynisyahanno Ruush ah, maadaama ay sii xoogeysaneyso Xiisadda u dhaxeeyso Ruushka iyo waddamada Reer galbeedka.

Saraakiisha maamulka Maraykanku ayaa dhawr jeer ka dhawaajiyay intii ay socotay xiisadda ka dhalatay dulaanka Ruushka ee ku wajahan Ukraine, iyaga oo ku baaqay in laga feejignaado weerarro Mareykanka kaga yimaado Ruushka.

Xiisadda u dhaxeeyso Moscow, dalalka Yurub iyo Maraykanka, ayaa sii kordhay kadib markii ay ciidamadeedu Ruushka, galeen gobollada gooni u goosadka ee Lugansk iyo Donetsk ee bariga Ukraine.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post