1026 Views

Raysal wasaarihii hore ee Ukraine oo ku baaqday in la xiro hawada dalkaas

Raysal wasaarihii hore ee Ukraine oo ku baaqday in la xiro hawada dalkaas
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Raysal wasaarihii hore ee Ukraine, Yulia Tymoshenko ayaa dalalka xulufada la ah dalkeeda ugu baaqday “in la xiro hawada” dalka Ukraine.

Waxay sheegtay in Ukraine “ay qiimeysay cunaqabataynta adag” ee lagu soo rogay Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanku, balse waxay sheegtay in Ukraine ay u baahan tahay “caawin dhab ah”.”

Mar la weydiiyay in haddii NATO ay hawada Ukraine ku soo rogto xaalad deg deg ah oo duulimaadyada ka caaggan in arrintaasi ay xaaladda uga sii darayso iyo in kale, ayay ku jawaabtay “Fasax loogama baahna NATO” waxayna ku adkaysatay in tallaabadaas at qaadi karaan haddii ay isbahaystaan dalalka Ukraine ku xeeran.

Waxay sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in ciidamo nabad ilaalin ah loo soo diro Ukraine iyo in sidoo kale dalkaas la geeno qalabkii ugu dambeeyey ee lidka diyaaradaha.

Dhanka kale bayaan kasoo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Boris Johnson uu ka codsan doono hoggaamiyeyaasha caalamka in ay “sameeyaan dadaal cusub” oo lagu joojinayo weerarka madaxweyne Vladimir Putin ee ka dhanka ah Ukraine.

Johnson ayaa hoosta ka xariiqay 6 qodob oo ku aaddan sidii cadaadiska loogu xoojin lahaa Putin, waxayna kala yihiin:

•In Hoggaamiyeyaasha caalamka ay abuuraan “isbahaysi bani’aadannimo oo caalami ah” oo loogu talo galay Ukraine.

•In lagu caawiyo Ukraine dadaallada ay ku difaaceyso waddankeeda.

•In la kordhiyo cadaadista dhaqaale ee la saarayo Ruushka.

•In Beesha Caalamku ay diiddo “Isku dayga uu Ruushka ku doonayo inuu wax caadi ah ka dhigo ficillada uu ka sameynayo Ukraine”.

•In la sii wado dadaalka xal diblomaasiyadeed loogu raadinayo si loo afjaro dagaalka, balse ay qayb ka ahaato dowladda sharciga ah ee Ukraine.

•In la billaabo olole dardar ku socda oo lagu xoojinayo “amniga iyo awoodda dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Nato”.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale la filayaa in uu farriintiisa kusoo bandhigo kulan uu la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, iyo Ra’iisul Wasaaraha Dutch-ka, Mark Rutte.

Kulanka saddexda hoggaamiye ayaa Isniinta ka dhici doona xarunta dowladda UK ee magaalada London.

Maalinta Talaadada ah ee xigtana, Mr Johnson waxa uu marti gelin doonaa madaxda waddamada ku bahoobay isbahaysiga Visegrad ee bartamaha Yurub, oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia.

Dowladda UK ayaa sheegtay in waddamadaas ay horayba hadda u dareemayaan dhibaatada ka dhalatay dagaalka ee dhanka bani’aadannimo, maadaama in ka badan 1.4 milyan oo shacabka reer Ukraine ah ay ku bara kaceen maalmo gudahood.

\ Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post