1398 Views

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibeda ee Itoobiya oo shuruudo ku xiray wadahadal ay la galaan TPLF

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibeda ee Itoobiya oo shuruudo ku xiray wadahadal ay la galaan  TPLF
____________________________________________________________________________

khamiis: November 11, 2021

  Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay ineysan wax wadahadal ah la galaynin Jabhada TPLF ee dagaalka kala soo horjeedo haddii aysan fulin shuruudo ay soo bandhigtay

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibeda ee Itoobiya Dina mufti oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis ababa ayaa sheegay in haddii aan la fulin shuruudaha dowlada uu sii socon doono dagaalka.

Shuruudaha afhayeenku soo bandhigay ayaa waxay kala yihiin..

In TPLF ay ka baxdo dhammaan degaanada ay qabsatay ee ku yaalla degaanada Cafarta iyo Soomaalida.

-In ay joojiyaan duulaanada ay soo qaadayaan, xabadana joojiyaan shuruud la’aan.

-Iyo in kooxdu aqoonsato dowlada dhexe Itoobiya.

Dadka falanqeeya xaalada Itoobiya ayaa sheegaya in shuruudaha ay soo bandhigtay dowlada ay yihiin kuwo aad u adag oo aan laga yaabin iney aqbasho TPLF.

Afhayeenka kooxdan Getachew Reda ayaa maalmo ka hor sheegay iney joojiyaan duulaanka ay ku qaadayaan Itoobiya haddii dowladu ay qaado xanibaada ay ku soo rogtay degaanada Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post