858 Views

Shir looga hadlayo xal u helida doorashooyinka oo weli ka socda Baydhabo

Shir looga hadlayo xal u helida doorashooyinka oo weli ka socda Baydhabo
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaa maalintii seddaxaad ku sugan Wafdigii Xildhibaanada ahaa ee uu hoggaaminyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor), kuwaas oo halkaas u jooga sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan madaxda Maamulkaas ee la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Koofur Galbeed ayaa hore ugu hortimid go,aan uu soo saaray Guddiga FEIT oo uu ku shaaciyay in dib loogu laabanayo doorashada kuraas afar ah oo seddex ka mid ah lagu soo doortay Magaalada Baydhabo, iyadoo Koofur Galbeed wixii intaas ka dambeeyay ay sheegtay in xiriirkii iyo wada shaqeyntii ay la lahayd Guddiga FEIT iyo Xafiiska Rooble ay u jartay.

Wali Magaalada Baydhabo waxaa kulamo wada xaajood ah oo lagu dhameenayo khilaafka taagan ka wada Waftiga hoggaaminayo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye kaas oo galay maalintiisii seddexaad.

Illaa hadda ma jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay wadahadalka udhaxeeya dhinacyada, balse wararka qaar ay sheegaya in aanan weli wax xal u muuqan kara aanan laga gaarin arrinta laga wada hadlayo oo la xiriirta kuraastii uu Guddiga FEIT shaaciyay in dib loogu laabanayo doorashadooda ee laga soo doortay Baydhabo.

Dhanka kale, waxaa maalmo kooban ay ka harsan yihiin taariikhda loo qabtay dhaarinta xildhibaanada oo ah 14-ka bishaan April, taas oo shalay ay markale ku celiyeen Ra’isulwasaaraha iyo guddiga doorashada federaalka in wakhtigii loo asteeyay ay ku qabsoomeyso dhaarinta Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post