402 Views

Cabsi laga qaba in uu sii xumaado dagaalka Itoobiya xilli taagantahay xiisadda Oromiya

Cabsi laga qaba in uu sii xumaado dagaalka Itoobiya xilli taagantahay xiisadda Oromiya
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Dagaal ayaa weli ka socda gobolka ugu dadka badan Itoobiya ee Oromia, kaas oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo jabhadda Oromada ee Liberation Army (OLA) .Waxaa sii kordhinaysa walaaca laga qabo amni-darrada ka sii daraysa ee koonfurta.

Maamulka Oromiya ayaa sheegay in ay qaadeen weerar muddo bil ah socday oo ka dhan ah OLA, balse jabhadda ayaa sheegtay in ay guulo ka soo hoysay dagaalada.

Odaa Tarbii oo ah afhayeenka OLA ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ciidamada amaanka ee deegaanka Soomaalida ee dariska la ah la geeyay Oromia si ay gacan uga geystaan ​​dagaalka.

Balse Abfikadr Rashid oo ah mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Soomaalida oo la hadlay BBC-da ayaa ku gacan seyray eedeynta, balse waxa uu sheegay in ciidamada gobolkiisa ay geli karaan Oromiya haddii lagu casuumo.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaallada ka socda koonfurta ay sii kordhiyaan qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa bini’aadantinimo ee dalka uu wajahayo.

Waqooyiga Itoobiya, dagaal sokeeye oo socday muddo 17 bilood ah, ayaa sababay masiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh, kaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post