624 Views

Galmudug oo shaacisay kuraas lagu dooranayo Magaalada Gaalkacyo

Galmudug oo shaacisay kuraas lagu dooranayo Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Guddiga Doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo oo ah Goobta degaan doorashada labaad ee Galmudug

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay liiska 11 kursi ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo kala ah.

1: Hop#001 oo kursigaan uu ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)

2: Hop#018 oo uu hadda ku fadhiyo Qaasim Maxamed Jaamac.

3: Hop#038 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

4: Hop#101 ayaa waxaa hadda ku fadhiya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xersi Aadan Rooble.

5: Hop#060 oo ay ku fadhido Ubax Tahliil Warsame.

6: Hop#095 oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).

7: Hop#069 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

8: Hop#017 oo ay ku fadhiso Duniya Maxamed Cali.

9: Hop#020 oo uu ku fadhiyo Cali Axmed Shariif Cusmaan.

10: Hop#013 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay fadhiso Maryan Maxamed Xuseen.

11 Hop#021 oo ay ku fadhido Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo geba-gabeeyay degaan doorashada labaad ee degmada Baraawe halka Maamulada Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay shaaciyeen kuraasta lagu qabanayo degaan doorashada labaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post