1194 Views

SAWIRO:-Dab ka kacay Xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo

SAWIRO:-Dab ka kacay Xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Aargada ee bartamaha magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in dabkaasi uu geystay khasaaro hantiyadeed oo gaaray goobtii Ganacsi ee uu ka kacay.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo sheegayaan in dabka uu dhashay Koronto ku jirtay goobta ganacsi ee uu ka kacay, hayeeshee daqiiqado kadib ay goobta gaareen Gawaarida Dab-damiska dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo ku guuleystay deminta dabkaas.

Inta badan Goobtii Ganacsi uu ka kacay dabka ayuu burburya,hayeeshee majirin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkaas,waxaana dabka uuradiisa siweyn looga dareemay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo, sida uu Risaala u sheegay qof ku sugan Magalada Kismaayo

Goobaha kale ee Ganacsi oo ku dhow Goobta uu dabka ka kacay ayaa Ganacsadata leh waxa ay bilaabeen inay alaabtooda kala baxaan si uusan dhibaato ugu geysan dabka,balse markii dambe la demiyay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland weli wax faah faahin intaasi ka dheer kama bixin dabka ka kacay Xarun Ganacsi oo ku taalla Isgoyska Aargo ee bartamaha magaalada Kismaayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment