912 Views

Wasiirka Amniga Xundubey Jimcaale oo ka hadlay arrimaha amniga doorashada iyo sugideeda

Wasiirka Amniga Xundubey Jimcaale oo  ka hadlay arrimaha amniga doorashada iyo sugideeda
____________________________________________________________________________

May 23 2021


Xili uu socdo shirka wadatashiga qaran ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka kaas oo shalay ka furmay Muqdisho ayna ka qeyb galayaan madaxda DF shanta madaxweyne dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale waxa uu ka hadlay arrimaha amniga doorashada iyo sugideeda.

Wasiirka sheegay in dowladda Federaalka diyaarisay qorshaha lagu sugayo amniga doorashada dalka iney ka dhacdo taas oo aan weli heshiis laga gaarin islamarkaana uu socdo sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arrimaha uu muranka ka taagan yahay.

Wasiirka amniga XFS oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in hay’addaha amniga iyo Talisyada Ciidamada ay u diyaar-garoobeen sugida amniga doorashada, isaga oo xusay in uusan welwel badan ka jirin arrinta amniga ee ku aadan dhanka doorashada.

Wasiir Xundubey ayaa tilmaamay in ay haatan sugayaan oo kaliya in Shirka Madaxda DF iyo maamul goboleedyada dalka uga socda Muqdisho heshiis lagu gaaro la iskuna raaco fulinta qorshaha amniga, Wasiirka ayaa Carabka ku dhuftay in la diyaariyay Ciidankii sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Dhanka kale wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay shirka ka socda Muqdisho isaga oo sheegay waxa laga filan karo shirkaas ay yihiin guul sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa sheegay in shirka ilaa maalinta isniinta oo ku beegan maalinta berri ah la filaayo in lasoo xiro inkastoo uu xusay in maalmo kale uu shirku ku darsan doono, waxaana uu sheegay in kulamadii uu sida gaar gaarka ahayd ula qaadanaayeh madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiinta kale uu ahaa sidii heshiis wax ku ool ah looga gaari lahaa arrimaha taagan.

Shirkan ayaa lagu wadaa in 24/ 5/ 2021ka oo ku beegan maalinta berri ah la soo gabagabeeyo ayna kasoo baxaan qodobo muhiim u ah hanaanka doorashada dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post