777 Views

RW Rooble oo hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

RW Rooble oo hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021–Ra’iisal Wasaaraha  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 9-ka bishan xukuumadiisu Baarlamaanka horgeyneyso Warbixinta guud ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaaliya oo saddex bilood jirsatay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka horgeenayo waxyaabihii u qabsoomay 9-ka Bishaan oo ku beegan Maalin ka kadib markii uu dhamaado mudada xilheynta Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed inay ka feejignadaana cadawga Gudaha iyo kan dibadda isku meelna ay uga soo wda jeestaan.

17-kii Bishii Setember ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 ayaa waxaa Maxamed Xuseen Rooble loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana Baarlamaanka ay ansixiyeen 23-kii isla Bishii Setember ee isla sanadka 2020.

Ra’iisal Wasaaraha  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadal uu u jeediyay Golaha Shacabka ka hor ansixintiisii waxaa uu balan qaaday in uu waxka qaban doono 8 qodob, kuwaas oo kala ah

1: Arrimaha Amniga

2:  Doorasooyinka

3:  horumarinta dhaqaalaha

4: Cadaaladda

5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa

6: Dib u eegista Dastuurka

7:  Dhab u heshiisiinta

8:Iiskaashiga Caalamiga ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post